Tiyeeglow(INO)– Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool ayaa sacadihii lasoo Dhaafey waxaa ka taagnaa xaalado jahwareer ah ka dib markii saraakiisha Ciidamada itoobiya Ee Ku sugan degmadaasi ay shaaciyeen in ay ka bixi doonaan degmadaasi.
Taliyaha ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ee degmada tiyeeglow cabdi ibraahim Takoy Ayaan IdaleNew.com ugu warbixiyey Jahwaareerka iyo Xaalada Amaan ee Degmadaasi Tiyeeglow madaama ciidamada itoobiya ay shegeen in ay ka bixi doonaan degmadaasi.
Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu sheegey in heegan ay giliyeen ciidamada ku sugan Degmada tiyeeglow Asigoo sheegey In Urarka al shabaab ay isku soo deyi donaan in weerar ay ku soo qadaan Degmada Tiyeeglow Iyadoo Ay jiraan Meelo badan oo horey u baneyeen ciidamada itoobiya oo gacanta ay ku dhigeen Urarka al shabaab.
Dadka Shacabka ku nool degmada tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxaa ay is wedinayaan Xaaladaha ay soo Wajahi doonto Hadii ay ciidamada itoobiya ay ka baxaan Degmada Tiyeeglow madaama uraarka al shabaab mudo dhan 3 sano horey u maamuli jireen Degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.