DEG DEG: Xiisad Dagaal Oo Ka Jirta Degmada Tiyeegloow Ee Bakool

0
179

Tiyeeglow(INO)- Sida ay inoo xaqiijiyeen Dadka Deegaanada Gobolka Bakool ku sugan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka K/galbeed oo aad u hubeysan ayaa u jiheystay Magaalada Tiyeegloow.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidamadan ay wataan gaadiid dagaal iyo saanad Militeri kuwaas oo la sheegay in ay dhowr jiho ka weerarayaan Magaalada Tiyeegloow oo dhawaan ay qabsadeen Al-Shabaab.

Magaalada Tiyeegloow Dad kusugan oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyey in xiisad dagaal Maanta ay ka jirto Tiyeegloow,iyadoo dadkii tirada yaraa ee ku haray magaalada ay bilaaween barakac baahsan.

Ugu dambeyntii, Ciidamadii Al-Shabaab ee dhawaan la wareegay Degmada ayaa Magaalada isaga baxay kadib markii ay ka warheleen Gulufka colaadeed ee ku soo wajahan.

Wixii Ka So Kordho Kala Soco Idale News Online