Ciidamada Maamulka Somaliland, ayaa Xalay gaaray Deegaan 20Km u jira Degmada Taleex, oo ah Xarunta Maamulka Khaatumo.
[audio:http://allmarqaan.com/wp-content/uploads/2014/06/Clib-wacan-.mp3|autostart=yes]
Wariye lagu magacaabo Maxa’ed Shaqlane, oo ku sugan Taleex ayaa Warhiinta sheegay in markii ay Ciidamada Somaliland ay soo gaareen Deegaanada ku dhaw Taleex ay Odayaashii ku shirayay Magaalada ay u carareen Deegaanka Boocame.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa Magaalada Taleex ka socda Shir loogu magacadaray Khaatumo-3 oo ay ka qeyb galayeen Odayaasha Khaatumo, kuwaasi oo lagu waday in Hogaan Cusub doortaan, balse hadda ay ku kala tagaan Shirkaasi.
Wariyaha waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland, oo aad u hubaysan ay dhamaan Wadooyinka laga soo galo Taleex la wareegeen, lagana cabsi qabo in Saacadaha soo socda ay gudaha u galaan Magaalada oo ahayd Xarunta KMG ah ee Maamulka oo Khilaafka hareeyay ee Khaatumo.
Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeeda in Maamul loo dhiso Gobolada Sool, Sanaag & Cayn (SSC) oo ay sheeganayaan Puntland, Khaatumo & Somaliland.
Idale News Online.