Baydhabo(INO)-Gudiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqya madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed inuu ku guuleystay Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Ergada doorashada oo cod gacan taag ah ugu codeeyay Shariif xasan ayaa helay 373-cod gacan taag ku codeeyay,8 wey ka aamustay halka 15-ergo wey diideen.
Hada waxaa khudbad xasaasi ah jeedinaya Shariif Xasan Sheikh Aadan kaasi oo u hambalyeeyay intii dooratay iyo intii aan dooran,isagoona balan qaaday inuu ku shaqeyn doono dalabka dadweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii, Lama oga jawaab celinta xukuumada Soomaalita,inkastoo gudoonka Baarlamaanka uu shaaciyay inay tahay mid sharcidaro ah doorashada ka dhaxeysa Baydhabo.
Idale News Online, Baydhabo