DEG DEG+ Sawiro: Warmurtiyeedka oo hada Aqrinayo Wasiirka Warfaafinta DFS

0
620

Baydhabo(INO)- Madasha Hogaamiyaasha Qaranka Soomaliya ee Ku shirsanaa Ee Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka By ayaa saareen Warmutiyeed ay ku shaacinayaan waxyaabihii ay ku heshiyeen.

Waxaa hataan warmutiyeedka uu aqrinayo Wasiirka warfaafinta Dowlada Soomaaliya Maxamed Xayir maaraye.

Madaxda Madasha ayaa isku raaciyay in 135 oday ee horay u soo xulay Baarlamaanka, isla markaana la isla gartay in xubnihii dhintay lagu bedelo kuwo cusub.

Waxaa kaloo la isku afgartay miisaaniyada ku bixi doonta doorashooyinka oo ka dhici doonta magaalooyinka maamul goboleedyada, halkaasoo laga soo xulayo Xildhibaanada.

Shirka Madasha ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Madaxda Soomaalida, waxaana marka la soo saaro war murtiyeedka lagu wadaa in la guda galo doorashooyinka soo socda, iyadoo dalka oo dhan ka bilaaban doonaan olole doorasho.

Warmutiyeedka oo faah faahisan la Soco Goordhow.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay