Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta lagu dhawaaqayo golaha wasiirrada xukuumadda soo socota.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa la soo wariyey in maanta la qorsheynayo magacaabista golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda soo socota.
Xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ku sugan madaxtooyada ayaa ku warramaya in dood dheer kadib ra’iisul wasaare C/wali Sheekh Axmed uu maanta soo magacaabayo golihiisa wasiirrada cusub.
Amniga ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana la filayaa in saadacdaha sopo socda ee maanta lagu dhawaaqo xukuumadda.
Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in maanta galinka dambe la qorsheynayo inuu Ra’iisul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ku dhawaaqo xukuumadda cusub galabta.
Lama oga cidda sida rasmiga ah uga soo dhex muuqan doonto wasaaradaha qaar oo lagu muransan yahay sida wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo la kala qaadayo iyo cidda noqonaysa ra’iisul wasaare ku xigeenka.
Idale News Online, Muqdisho.