Muqdisho(INO)-Cumar cabdi rashiid cali sharma’arke ayaa kala diray golihiisa Wasiirada kadib markii uu arkay in ay uusan kalsooni ka heleyn xildhibaanada baarlamaanka ah.
Warqad ka socota Cumar cabdi rashiid ayaa gaartay gudoonka sare ee baarlamanka somaaliya taa oo uu ku sheegayo in uu kala diray golihiisa wasiirada,isla markaana codsaday in muddo todobaad ah fursad la siiyo.
Xildhibaan bishaar ugaas oo kamid ah xildhibaanda baarlamanka somaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in nuqul kamid ah warqadaasi ay soo gaartay isga ahaan.
Maanta ayaa baarlamaanku muqdisho ku shirayaan lama oga waxa ay kaga hadli doonaan kulankooda balse waxaa lagu waday in xukuumada cusub cod loo qaado
baarlamaanka somaaliya ayaa waxa ka dhex biloway buuq,kaas oo yimid kadib markii cumar cabdi rashiid uu ku dhawaaqay gole wasiiro oo goor sii horeysay xilkoodii ku waayay wax qabad la’aan.
Sahal News, Muqdisho.