Baydhabo(INO)- Waxaa Magaalada Baydhabo ka Socoda Wajagii 2aadEe doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow, Maxamed Cumar Dalxa uu Ku Guuleystey Kursiga Beesha Hintire Ee Aqalka Hoose.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo helay 49 dhibcood ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka, kadib markii uu ka guuleystay Maxamed Shuute Xuseen oo la tartamayay, waxaana khasaatay Labo cod.
Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.
Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.