Baydhab (INO)—Waxaa weli Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ka socda Shirarka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya, iyadoona Shirarkan Madaxdaasi ay uga hadlayaan isbadalka la filayo uu Dalka gallo.
Kulamadan u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada ayaa qeyb waxaa ka ah Wafduud ka socda Beesha Caalamka, waxaana Goordhow la filayaa in Warmurtiyeed laga soo saaro Shirka Madaxda Hogaanka Qaran oo galay maalintii 3-aad.
Warar hoose oo ay heleyso IdaleNews.com ayaa sheegaya in Madaxda Hogaanka Qaran ay isku raaceen wax ka badal lagu sameeyo 22-ka xubnood ee dhawaan uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay Guddiga doorashooyinka, islamarkaana laga saaro xubnaha ay dhaliilsan yihiin Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed.
Ergada ayaa saaka aysan imaan holka shiraka waxana iminka socoda kulumo gooni gooni ah oo u dhexeeya Madaxda Hogaamiyaasha Qaranka, waxana la filaya in Galabtan warmurtiyeed laga soo saaro shirkaas.
Sidoo kale Wararka ayaa qeexaya in la isla gartay in labo xubnood la siyey Beelaha banaadiga ee aqalka sare ee Dowladda la soo dhisayo.
Ugu dambeyntii, Shirkan oo soo bilaawday arbacadii la soo dhaafay islamarkaana looga arinsanayay nuuca doorasho ee Dalka ka dhaci karta ayaa lagu wadaa in gelinki dambe ee maanta lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay