Afgooye(INO)-Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyahii gobalka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyadoo gudoomiye cusub loo magacaabay gobalkaasi.
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed ayaa Ibraahim Aadan Cali waxa uu u magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo la doonayo inuu qabto shaqo badan oo gobalka ah.
Afhayeenka maamulka Gobalka Shabellaha Hoose Maxamed Shiine oo la hadlay Idale News Online, waxa uu sheegay in gudoomiyahaan cusub ay ka rajeynayaa wax qabad muuqda, isaga oo dhanka kale tilmaamay in gudoomiye hore Siidii uu shaqo badan qabtay.
“Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu gudoomiyaha gobalka Shabellaha Hoose u magacaabay Ibraahim Aadan Cali, waan soo dhaweyneynaa, gudoomiyahii hore C/qaadir Siidii isna waan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee usoo shaqeeyay” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan.
Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha cusub ee gobalka Shabellaha Hoose waxaa horyaalla shaqooyin u badan dhanka amniga, xilli inta badan dagaallo ay ka dhacaan gobalkaasi, sidoo kalena ay jiraan burcad dhacda gaadiidka shacabka ee gobalkaasi ku safra.
Idale News Online, Afgooye