DEG DEG: Doorashada Guddoomiyaha BFS oo Goor Dhow Bilaabaneysa

0
214

Muqdisho(INO)- Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya hoggaamin doona Afarta sano ee soo socota.

Xarunta Golaha shacabka ee Magalada Muqdisho oo ah halka ay ka dhaceyso Doorashada ayaa hada waxaa ka socota diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan Doorashada, sida uu soo sheegayo Wariye ku sugan goobta Doorashada.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa iminka ku sii qul qulaya xarunta hoolka shirarka ee Baarlamaanka, halkaasi oo ay ka socoto diyaar garow xoogan oo ku aadan Doorashada Guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii, Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan Afar musharax oo kal ah Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), C/rashiid Maxamed Xiddig, C/fitaax Maxamed Geesey iyo  Idiris Cabdi Dhakhtar.