Hiiraan(INO)-War hada soo dhacay ayaa sheegaya in Dagaal beeleedkii mudo ka badan labo sano ka taagnaa Gobolka Hiiraan uu dib uga qarxay Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey.
Dad Deegaanka ah ayaa sheegaya in Dagaalka uu bilowday kadib markii mid ka mid ah dhinacyadii horay looga saaray halkaasi ay Saaka aroortii Weerar ku qaadeen dhinaca kale.
Macadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay Dagaalka, waxaase warar hordhac ah ay sheegayaan in ugu yaraan Afar Qof ay ku dhaawacmeen.
Xaaladda ayaa wali kacsan iyadoo dhinacyada midba midka kale uu isku dayayo in uu isaga qabsado Deegaanada lagu dagaalamayo.
Madaxweyne Geele iyo Xassan Sheekh oo dhawaan Safar ku tagay Baledweyne ayaa maleeshiyo beeleedka ugu baaqay inay Dagaalada joojiyaan.
Idale News Online, Hiiran