Guracel(INO)- Wararka immika naga soo gaaraya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in daqiiqada kahor uu halkaa dib uga qarxay dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga ahlu sunna.
Wararka ay heleyso warbaahinta Idale News Online ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda ay dhowr jiho kasoo weerareen degmada Guriceel.dagaalka ayaa ka bilowday Koontaroolka dhanka deegaanka Ceeldheere.
Waxaa la maqlayaa hugnka rasaasta culus ee ay is weydaarsanayaan dhinacyada ku dagaalamaya degmada Guriceel,dagaalka ayaa hadda si toos ah uga socda inta u dhaxaysa Saldhigga booliska degmada Guriceel iyo Koontaroolka magaalada.
Lama ogaan karo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka socda ,ciidamada dowladda ee weerarka soo qaaday ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku aruursanayey duleedka magaalada Guriceel.
Idale News Online, Guracel.