DEG DEG: Dagaal Ba’an Oo Caawa Ka Socoda Gudaha Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

0
244

Afgooye(INO) — Xoogagga Al-shabaab Ee Soomaaliya Ka Dagaalama ayaa Caawa weeraray degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo la sheegay inay dhowr qof oo ka tirsan labada dhinac ku dhinteen dagaalkaas.

breakingIdaleNews

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa u sheegay  Warbaahinta Idale News Online in dagaalku uu ahay mid aad u xoog badan socdayna muddo kooban, iyadoo aysan weli saraakiisha Ciidamda DFS  ka hadlay weerarka Caawa  lagu qaaday degmada Afgooye.

Meelaha la weeraray  Caawa ayaa waxay kala ahaayee Makeyga, saldhig ku dhow koontaroolka laga galo degmada Afgooye ee Baar Ismaaciil.

Degmada Afgooye ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka Al-shabaab laga qabsaday bishii May ee sannadkii 2012, markaasoo ay ciidamada DFS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay ka duuleen Muqdisho si ay u qabsadaan Afgooye iyo inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay Al-shabaab awood badan ku lahayd.

Warkan Waxii Ka Soo Kordho Kala Soco.

Idale News Online, Afgooye.

– 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here