Baydhabo(INO)- Codeynta Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo labada ku xigeen ayaa goordhow ka bilaabatay hoolka shirarka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Madaxtooyda Ku Dhow.
Waxaa Mudanayaasha Baaramanka KGS ayaa hortooda lasoo dhigay sanduuq cad oo lagu ridayo codadka xildhibaanadu bixinayaan oo loo dhiibanayo qaab qarsoodi ah.
Xubnaha u tartamaya Hogaanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo kala ah Xildhibaan Cali Xasan Cismaan iyo Cabduqaadir Shariif Sheequna iyo 3 Kale ayaa soo xaadiray hoolka doorashadu ka dhaceyso, waxaana sidoo kale goobta jooga Mas’uuliyiin ka kala socda Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya , Urur Goboleedka IGAD iyo Xafiiska Siyaasada QM Ee Soomaaliya UNSOM
Xildhibaanka codkiisa dhiibta ayaa magaciisa waxaa mar kasta ku dhawaaqaya Guddiga Doorashada Baarlamaanka, markaas kadib ayuu iska fariisanayaa. Marka cod bixintu dhamaato ayaa la furayaa sanduuqa, waxaana la tirinayaa codadka, iyadoo isla goobta looga dhawaaqayo natiijada.
Wareeega 1-aad waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku guuleysanaya Musharrixii ku guuleysta Cod Hal Dheer Ah oo loola jeedo qofkii 1 cod ku horreeya ayaa guuleysanaya.
Ugu dambeyntii, waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Baydhaba uga bilowday Dhaqan Gelinta Dastuurka KMG ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka bilaawanaya Doorashada Gudoonka Baarlamaanka KG Soomaaliya.
Warkan Waxii Ka Soo Kordho kale Wararkeyaga Dambe
Idale News Online, Baydhabo