DEG DEG: Codeynta Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Soo Dhamaatay Iyo Tirinta Codadka oo Bilowday

0
200

Baydhabo(INO)- Waxaa Goordhaw soo gaba gaboobay codkii  Xildhibaanada Baarlamaanka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta dooranaya Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana Doorashada Gudoonka u taagan ilaa labo musharax oo kala ah  Xildhibaan Cali Xasan Cismaan iyo C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

breakingIdaleNews

Waxaa bilowday tirinta Codadka Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoona goordhaw marka ay tirinta soo dhamaato lagu wado in lagu dhawaaqo natiijada cod bixinta.

Sida ay shaaciyeen guddiga Doorashada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa Wareega koowaad ku guuleesan doona Musharaxii hela cod hal dheeri ah, maadama Musharixiinta u tartamaya Gudoonka ay ka kooban yihiin 2 Musharax.

Tirada Xildhibaanada Codeeyay ayaa ah 147, isla markaana cod hal dheeri ah lagu guuleysanayo oo ah 73+1.

Ugu dambeyntii, Wakaalada Wararka Idale News Online ayaa si toos ah idinla socodsiin doonta doorsahada kasocota Hoolka shirarka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Degmada Baydhabo, waxaadna la socod doontaan war kasta oo kusoo kordha inta ay Doorashadu socoto hadii rabi idmo.

Warkan Waxii Ka Soo Kordho kala Soco Wararkeeyaga Dambe

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here