DEG DEG: Ciidanka itoobiya oo ka baxay degmada Tiyeeglow iyo Shabaab oo gudaha u galay

0
186

Tiyeeglow(INO)- Wararka naga soo gaarayo degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidanka itoobiya isaga baxeen degmad Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Waxaa durba cabsi xoogan la soo deristay qaar ka mid ah shacabka ah oo la qabsaday maamulka Ciidanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa itoobiya ama wada shaqeyn ka dhaxeysay,kuwaasi oo aan aqoon meel ay aadaan.

Saraakiisha Ciidanka Koonfur galbeed iyo kuwa Dowladda ayaa lagu wargeliyay in ciidanka itoobiya ka baxayaan degmada Tiyeeglow,islamarkaana keenaan Ciidamo buuxiyay fariismaha ay baneeyaan Ciidanka  itoobiya.

Ciidanka itoobiya ayaa isaga baxay degmada Tiyeeglow ayaa hadana war ka soo baxay Al-shabaab waxaa lagu sheegay in Ciidanka Shabaab gudaha u galeen Tiyeeglow,islamarkaana la wareegeen fariisimaha Ciidanka Itoobiya ay baneeyeen.

War lagu baahiyay warbaahinta oo soo xiganaya dadka deegaanka ayaa yiri in Ciidanka itoobiya xalay saqdii dhexe u dhaqaaqeen dhanka degmada Xudue ee Gobolka Bakool.

Tiyeegloow  wax ka badan hal sano iyo Bar waxaa saarnaa Go’doomin saameyn yeelatay oo ay kusoo rogeen ciidamada Xarakada Al Shabaab, Ciidamada Itoobiya waxaa ku adkaatay in saadka iyo sahayda in ay isku gudbiyaan sababa la xiriira miinooyinka waddooyinka lagu aaso iyo weerarada dhabagalka ah oo naafeeyay isku socodkooda.

Ugu dambeyntii, Magaalada Tiyeegloow ayaa ah magaala istiraatiiji ah oo kala qeybisa gobollada Bay, Hiiraan iyo shabeelaha Hoose dib uqabsashadeedana waxay awood dheeri ah siinaysaa Ururka Al-shabaab.