DEG DEG: Ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya Oo 4 Odey Ku Diley Degmada Rabdhuure Ee Gobolka Bakool

0
239

Rabdhuurre-(INO)-–Ciidamada liyuu booliska Ee Dowlada Degaanka Soomaalida Itoobiya ee jooga Gobolka Bakool ayaa  Maanta 4 Oday dhaqameed ku toogtay degmada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool.

breakingIdaleNews

Ciidamada Liyuu Booliska Ee Dowlad Degaanka Soomaalida  Itoobiya iyo Maleeshiyo Taabacan Maamulka Bakool sare  ayaa weeraray Guryaha Odayaasha ay ka degganaayeen Magaalada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool.

Magacyada Odayaasha ayaa lagu kala sheegay Cabdullahi Cabdi Raxmaan oo 65 Jir ah,Max’ed Kheyr oo 55 Jir ah,Aadan Cabdul;lahi 50 Jir iyo Max’ed Mukhtaar oo 35 Jir ahaa.

Lama garanayo Sababta ay Ciidanka  Liyuu Booliska Itoobiya  iyo Maleeshiyadda  Maamulka Bakool sare ay u dileen Odayaashaasi ku sugnaa Rabdhuurre oo guryahooda ay ku weerareen Maanta.

Sanadkii hore Cidamada Itoobiya waxaa ay sidan oo kale dad Rayid ah ku laayeen Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan,iyada oo sidoo kale Ciidamada AMISOM ay Magaalada Marka ku dileen 21 Ruux ooo Shacab ah.

Ugu dambeyntii, Xeerarka AMISOM ee howlgalka Soomaaliya iyo kan Caalamiga ahba kama mid aha wax yeeleynta Shacabka,waxaana dhowr jeer dhacay falal gabood fal ah oo Ciidanka AMISOM ay u geysteen dadka shacabka ah.

Idale News Online, Rabdhuure

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here