DEG DEG: Baarlamanka Dalka Oo Ogolaaday Codsigii RW Soomaaliya

0
201

Muqdisho(INO)-Madanayaasha  Baarlamaanka ayaa u ogaaladay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya codsigiisii ahaa in 10-maalin oo dheeri ah loogu daro si xukuumadiisa oo dhameystiran u horkeeno Baarlamaanka Soomaaliya.

breakingIdaleNews
Wariye Ku Sugan xarunta Baarlamaanka  ayaa soo sheegay in xildhibaanada ogolaadeen ra’iisal wasaaraha dalabkiisa ahaa in la siiyo 10-maalin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shirkani gudoominayay ayaa u sheegay Xildhibaanada in codsigaasi codka loo qaadi doono, islamarkaana qaab gacan taag ah loogu codeynayo.

Waxaa aqbalay codsiga Ra’iisul wasaaraha 139 Mudane, waxaa ka diiday 47 xildhibaan halka 4 mudane ay ka aamustay.

Sidaa darteed waxaa aqbal noqday codsigii ra’iisul wasaaraha ee 10-ka cisho ah, iyadoo laga sugayo in uu soo dhameystiro golahiisa wasiirada cusub.
Ujeedka maanta oo ahaa in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Baarlamaanka horgeeyo xukuumadiisa cusub si codka kalsoonida ugu qaadaan ayaan suurta galin,waxaana ra’iisal wasaaraha markuu tagay barqanimadii maanta xarunta Golaha Shacabka hadal uu jeediyay ku codsaday in maalmo dheeri ah la siiyo.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa kulankoodii maanta ku bilowday buuq iyo sawaxan ka dib markii uu xarunta tagay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Idale  News Online, Muqdisho.