Tiyeeglow(INO)- Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee Koonfurta Somaliya, ayaa sheegaya in Xoogaga Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Tiyeglow, kadib markii ay ka baxeen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Magaaladaasi.
Ciidamada Itoobiya ayaa maalmahan waday dhaq-dhaqaaq ay ku doonayeen inay ku faarujiyaan Degmada Tiyeglow, balse saaka ayaa la xaqiijiyay inay si rasmi ah uga baxeen Degmada Tiyeglo ee Gobolka Bakool.
Ciidamo fara badan oo Shabaab ka tirsan oo markii horeba ku sii diyaarsanaa meel aanan ka fogeyn Degmada Tiyeglow, ayaa durba gudaha u soo galay Magaaladaasi.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay gaadiid dagaal oo fara badan oo ay suran yihiin calamada Astaanta u ah Ururka Al Shabaab inay soo galeen gudaha Magaalada, waxaana dadka ay isugu yeereen goob fagaare ah.
Saraakiil ka tirsan Ururka AL Shabaab ayaa Bulshada kula hadlay meel fagaaro ah oo ay u sheegeen in maanta kadib dib loo soo celinaayo Maamulkii Ururka Shabaab ee Degmadaasi.
Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa ay qabsanayeen deegaano fara badan oo ay isaga baxayeen ciidamada Itoobiya, maalmo ka hor ayeey aheyd markii Shabaabka ay qabsadeen gacan ku haynta Degmada Halgan iyo deegaanka Ceel cali oo labaduba Shabaab ay isaga baxeen.
Ilaa hada Dowladda Somaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa ka bixitaanka ciidamada Itoobiya Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Somaliya.