Dawlada Qadar oo ka hadashay Abaarta ka jirta Somaliya

0
210

Dowladda Qatar ayaa ka digtay sii xumaanshaha Xaaladda sugnaanta Cuntada ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay bixiso taageero deg-deg ah si ay u daboolaan baahida bani’aadamnimada iyo in gargaarka ay gaarsiiyaan Dadka Dhibaateysa Goobaha ay ku nool yihiin islamarkaan laga hortago in ay dhacdo Abar la mid ah midia 2011 Dalka Soomaaliya ka dhacday.

Xoghayaha labaad ee Joogtada ah howlgalka dowladda Qatar Nour Ibrahim al-Sada ,ayaa hadalkaan ka jeediyay intii lagu guda jiray kalfadhiga 27aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadaneyso taageerida dadka soomaaliyeed iygoona sheegay in ay kamid noqon doonaan wadamada soomaaliya ka taageeridoono dhanka abaaraha.

Waxaa kale oo ay Qadar farta ku fiiqday in ay canbaareyneeso weraradda ka dhanka ah maatada Soomaalida,waxaana dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday in ay lagama maarmaan ay tahay in dhacdooyinka noocaasi ah dowladda si deg deg ah ay baaritaano ugu sameyso.

ABaar

Idale news, Mudisho.