Dawlada Mareykanka oo Gacan Kageysan Doonta Celinta Qaxootiga Dhadhaab

0
400

NewYork(INO)-Dawlada Mareykanka ayaa qorsheyneysa gacan ka geysashada celinta qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xeryaha Dhadhaab.

Waxay dawlada Mareykanku arinkaa ku caawin doontaa dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo QM oo arinkaa ku hawlan. Sanadkaan ayaa waxaa la qorsheeyay in la celiyo 150 kun oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo halkaa kunool.

Dawlada Mareykanka ayaa warkaan uu kasoo baxay saaka.

“Si qeyb ka ah cawimaadaan dheeraadka ah ayaa Dawlada Mareykanku waxay damacsan tahay inay gacan ka geysato baaq ka yimid QM oo gaar ah oo ku wajahan celinta qaxootiga Dhadhaab’, sidaa waxaa tiri Margaret McKelvey, oo ah haweeney ah agaasimaha gargaarida Afrika ee Waaxda xisaabaadka la xiiriira Dadyowga, Qaxootiga iyo Socdaalka.

Baaqa gaarka ah ee QM ayaa sidoo kale barnaamijyo dhowr ah oo kale dabooli doona, waa gudaha dalka Kenya sida Ms McKelvey ay sheegtay.

“Qof waliba waa uu fahamsan yahay daalka Kenya ay ku daashay marti galinta qaxootiga.” Intaa ayay raacisay ayadoo weliba sheegtay in qaar qaxootiga Dhadhaab ah la dajin doono sanadkaan Mareykanka si tirada qaxootiga ee xeryaha Dhadhaab loo dhimo Kenyana culeyska looga yareeyo maadaama in ka badan 25 sano ay heysay qaxootiga Soomaalida ah.

Waxay sidoo kale sheegtay in dalal kale ay qaadan doonaan qaar ka tirsan qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab oo haatan ah 325,000.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.