Madaxweynaha Maamulka Khaatuma State, Cali Khaliif Galeyr ayaa laga masaafuriyey magaalada Addis Ababa oo u tagay shir ku saabsan federaalka, kadibna ay Muqaabiraadka Ciidamadda Itoobiya u sheegeen inuu dalkooda isaga baxo.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadda Sirdoonka Itoobiya ay ku amareen Cali Khaliif Galeyr in uu isaga baxo sida ugu dhaqsaha badan. Waxaa kalo la sheegaya in Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ka gudbiyen ashtako, una arkay caqabad soo wajahday maamuladooda.
Dadka qaar ayaa rumeysan in Ethiopia ay u dhego nuglaatay labadaas Maamul, ayada oo u aragta kuwa si aad ah ugala shaqeynaya rabitaankeeda ah in midnimada laga ilaaliyo Somalia waxayna ka dhigatay Cagaf Cagafta ay ku burburiso Dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Addis Ababa