Haweenay u dhalatey wadanka Shiinaha ayaa loo aqoonsadey darawalkii ugu nasiibka badnaa ka dib markii ay ka badbaaday shil baabuur oo aad u naxdin badnaa hase yeeshee ummada ku reebay fajac iyo dhabano haysto.
Sheekadu waxay ka dhacdey magaalo ka tirsan gobolka Jiangsu ee Bariga dalka Shiinaha iyadoo baabuurkii ay haweenaydaasi wadatey oo noociisu ahaa Nissan ayaa waxaa dusha sare sida sawirka aad ku aragtaan ku soo dhacay Kunteer aad u weyn oo 40 feet ah, kaasi oo ka soo dhacay baabuur xamuul oo hareer marayey gaariga haweenaydan ay wadatey.
Laakiin sheekadu sidaasi ma noqon waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo “ALLE dilaa dhinta”, markii gaarigii lagu yaacay oo dadkii ay fiirinayaan waxa raq iyo ruux ah oo gaariga laga dhexheli karo ayaa waxaa halkaasi deg deg ku soo gaaray Kooxaha gurmad deg deg ah gaar ahaan kuwa dab damiska kuwaasi deg deg kunteernkii uga dulqaaday gaariga, waxaase fajac noqotey markii la maqlay cod haween oo ku cabaadaya “I badbaadiya, i caawiya, i caawiya, i badbaadiya”, kooxihii waxay arkeen haween madaxu ka soo jeedo oo burburka gaariga ku hoos jirta, markii ay soo saareen iyadoo la aaminsanaa in ay qabto dhaawacyo kala duwan waxaa yaabka yaabkiis sii noqdey haweenaydii oo badqabta in halkaasi laga soo bixiyey iyadoon qabin wax dhaawacyo halis ah
Idale News Online.