Danjire Cali Americo Oo Xilka Laga Qaaday iyo Muungaab oo Seefta Dulsaaran Tahay

0
188

Muqdisho(INO)-Waxaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday Safiirkii Somaliya ee Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya soo jeedisay in xilka laga xayuubiyo.

Jamaal Xasan, ayaa loo magacaabay Safiika Somaliya ee dalka Kenya. Jamaal Xasan waxa uu la soo shaqeeyay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, mudadii uu ahaa Danjiraha Somaliya ee wadanka Mareykanka.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada, ayaa xilka looga qaaday Maxamed Cali Nuur, iyadoona waxaana lagu soo magacaabay Jamaal Xasan.

Amb. Americo, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxa uu baadigoob ugu jiray xilka Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar madax bannaan oo sheegaya in Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), lagu wado in loo magacaabo Safiirka Somaliya ee Magaalada Khartoum (Suudaan).

Muungaab, ayaa horey kaga soo shaqeeyay Safaaradda Somalidu ku lee dahay Magaalada Khartoum, ka hor intii aanu noqon Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Americo, ayaa Somalida ku nool wadanka Kenya ay ku xusuusan doontaa waxqabadkiisii mudada dhowrka sano ah, oo Safaaradda Magaalada Nairobi uu ka soo shaqeynayay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here