Waxaa Toban Maalmood kahor Shaqadda laga ruqseeyay Mas’uulka ugu saeeeya ee Sirdoonka Boqotooyadda Sacuudiga, Bandar Bin Sultan, sidee Qoreen Qaar kamid Jaraa’idka reer Galbeedka.
Bin Sultaan ayaa ahaa Madaxa ka dambeeya Kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyaa in Lacagta ugu badan ee soo gaarta Al-Shabaab ay ka timaado Sirdoonka Boqortooyadda Sacuudiga iyo Dowladda Qatar.
Ninkaan Bandar Bin Sultan Mareeykanku waxuu go’aansaday in Xilka laga qaado Bishii Oktobar 2013 waqtigaas oo ku aadana Markuu si bareer ah u dhaliilay Madaxweynaha Marakeynka Barack Obama, isagoo ku edeyey in Obama ka Madax adeegay in Cirka laga duqeyo Ciidamada Assad ee ku sugan Magaalo Madaxda Damaasko.
Xogtu waxay sheegeysaa in aysan sahlaneen si lo Kontrolo Kooxda “Free Syrian Army” oo ay Suciidiga iyo Mareykeynku ay si wadajir ah u maalgaliyaan oo hadda u muuqda in aysan Cidna amar ka qaadan, waxaa la saadaalinayaa in ay dib ugu soo laabtaan goobihii laga Asaasay ayagoo ku hubaysan Hub Casri ah oo waliba haysto dhaqaale aan yareyn. Waa tii la yiri: Dhagax kasta oo Samadda lo tuuro Goobtii laga tuuray bu ku soo laabtaa.
Sacuudiga iyo Qatar ayaa lagu eedeeyaa in ay Maalgaliyaan Argagixisadda Adduunka, wuxuuna Sacuudigu Lacag gaareysa Labaatan Bilyan oo Dollar ku bixiyay Cinqilaabkii lagu afgambiyay Madaxweynihii Dalka Masar, Maxamed Mursi oo ay Xukunka ku qabsadeen Ciidamada Militariga oo uu Hogaaminayo El-Sisi.
Idale News Online – Sanca