Dalka Pakistaan Oo Lagu Dilay 23 Qof Masjid ku yaala

0
194

Kabul(INO)- Waxaa maanta qarax xoogan uu ka dhacay gudaha masjid ku yaala dalka bakistaan waxana inta la xaqiijiyay ku dhintay weerarka qaraxa dad gaaraya 23 qof oo dad ra’yid aha.,

Qaraxa dadka badan ay ku dhinteen ayaa dhacay xili lagu jiray salaada jimcaha waxaana Masaajidka la weeraray.

Xaafada uu ku yaalay masjidka la weeraray oo lagumagacaabo Anbar kana tirsan degmada Mohmand oo ku dhow xadka ay wadaagaan wadamada Bakistaan iyo Afgaanistaan.

Qaraxyada ceenkaan oo kale waxaa mas’uuliyadooda sheegta kooxda daalibaan ee ka dagaalanta wadanka bakistaan.

Ugu dambeyntii, Degmada Mohmand waa meel ay amaradooda si weyn ay kaga dhaqan galaan qabaa’ilada xadka u dhaxeya dalalka bakistaan iyo afgaanistaan waxaa had iyo jeer ka dhaca weeraro lagu qaado iskuulada, masaajidyada, iyo meelaha kale xarumaha u ah dowlada Bakistaan.