Ciidamo taabacsan Col. Barre Hiiraale oo ay wehliyaan xubnaha kale ee sheegtay xilka Jubaland ayaa la wareegay inta badan magaalada Kismaayo, iyadoo madaafiic xoog leh laga maqlayo magaalada oo dhan.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan ayaa qabsaday halka lagu magacaabo Aargada, guriga Gobolka, waxaana la damiyay idaacadii ku hadleysay afka maamulka Axmed Madoobe.
Dagaalada caawa ka socda Kismaayo ayaa ah kii ugu xumaa magaalada soo mara, waxaana dadka ay sheegeen inuu ka duwan yahay dagaaladii horay uga dhacay magaalada.
Xiriiro aan la sameynay magaalada ayaa naloogu xaqiijiyay in ciidamada Axmed Madoobe ay dib ugu gurteen xaafadihii ay ku sugnaayeen, iyadoo isugu uruuray Madaxtooyada Kismaayo.
Madaafiicda la isku adeegsanayay dagaalka ayaa la sheegay inay sababtay in meelo qaar uu dab qabsado, iyadoo ay gubaneyso, iyadoo wali aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha dagaalka uu geysanayo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xabada ay meel walba ka dhaceyso, magaalada oo dhan ay xiran tahay, shacabka ayaa guryahooda ku sugan, waxaana jira qasaaro ka dhashay madaafiic ku dhacay guryo ay degan yihiin dad rayid ah.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya, sidoo kale ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan dagaalada sii xoogeystay ee magaalada ka holcaya.
Idale News Online