Dagaal xoogleh oo hubka culus la isu adeegsaday ayaa subaxnimadii Isniinta ka qarxay magaalada Benghazi ee caasimada labaad ee dalka Liibiya.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya kooxda Islaamiga ah ee Ansarul Sharica iyo Ciidamada ka amar qaata jeneraalka gadoodka ah ee Khalifa Haftar.
Dagaalkan ayaa la sheegay inay kooxda Ansarul Shariica ku qaaday xarunta ciidamada Jeneraalka, iyagoo ka jawaabaya duqeyn shalay ay diyaaradaha dagaalka ee ka amar qaata Jeneraalkaasi ku qaadeen xarunta kooxda Ansarul Shariica ku leedahay magaalada Benghazi.
Goobta ay shalay (Axad) Diyaaradaha duqeeyeen ayaa ah Qasrigii Boqortooyadii hore ee Liibiya ee ku yaal magaalada Benghazi wallow la sheegay in diyaaradahaasi ay bambaanoyinkooda la waayeen yoolkooda oo ahaa saldhiga ay halkaasi ku leeyihiin kooxda Ansarul Shariica.
Jeneraal Khalifa Hafta ayaa sheeganaya inuu ololihiisa militariga uu ku doonayo inuu hubka uga dhigo kooxaha iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ka madax banaan dowlada, isagoo ku eedeeyey xukuumada Liibiya inaysan wax awood ah lahayn.
Dhinaca kale dowlada Liibiya ayaa horey u sheegtay in Jeneraal Khalifa Hafta uu wato qorshe u gaar ah oo ay ku tilmaameen inqilaab, halka maleeshiyaadka iyo kooxaha hubeysan ku eedeeyeen Jeneraalka inuu u adeego dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka.
Jeneraal Khalifa Haftar ayaa horey usoo ahaa Taliyihii ciidamada Dowladii Col.Qadaafi, wuxuuna sanadihii sideetamaadka u baxsaday dalka Maraykanka kadib markii uu xilka ka qaaday Qadaafi. Jeneraalka ayaa dib ugu soo noqday Liibiya markii xukunka laga tuuray Qadaafi, wuxuuna kamid noqday Saraakiishii loo magacaabay Militariga dowlada cusub ee Liibiya.
Idale News Online,Banghaazi, Libiya.