Dagaal Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Dhaco Gudaha Garoonka Aadan Cadde Hal Sabab Aawgeed

0
1349

Muqdisho (INO)-Cabsi xoogan ayaa laga qabaa in ciidamada AMISOM iyo kuwada Dowlada ay isku farasaaran gudaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabsidaani ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamada AMISOM ay walaac gaar ah ka muujiyeen ciidamada ilaalada u ah Wasiirada iyo Xildhibaanada ee Hubka gudaha ula gala Garoonka kuwaasi oo hubkooda ku baacsada dadka rayidka ah ee gudaha Garoonka ugu jira howlaha safarka iyo sagootinta.

Saraakiisha AMISOM ee sida gaarka ah uga howlgasha Garoonka ayaa cabsi ka muujiyay in ilaalada qaar ay noqon karaan kuwo lasoo shaqeeyay Al-shabaab oo wajiyo cusub lasoo baxa goorta ay garoonka lasoo galaan Hubkooda.

Saraakiisha AMISOM ayaa dhowr jeer Hay’adaha amaanka Dowlada ku wargaliyay arrintaani, hayeeshee ma aysan ka jawaabin.

Ciidamada la socda mas’uuliyiinta oo qaarkood aan u diiwaan gishneyn dowlada ayaa sabab u noqon kara in mabda’ooda ay bedelaan haddii ay fursad u helaan galida Garoonka.

Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda ka digay in Dowlada Somalia ay indhaha ka qabsato arrinta la xiriirta ciidamada ilaalada u ah Madaxda ee gudaha Garoonka lasoo gala Hubka.

Cabsidaani ayaa imaaneysa xili ciidamada AMISOM ay wali ku jahwareersan yihiin kala soocida ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab oo gabi ahaan kawada mideysan dharka.

Idale News Online, Muqdisho