Dagaal kii ugu Cuslaa oo ka dhacay Gobolka Bay.

0
205

Wararka laga helayo Gobolka Baaya ayaa ku soo waramaya in gelinkii dambe ee maanta inta u dhaxeysa Degmada Buurhakaba iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay  uu ka dhacay Dagaal Culus.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu bilaawday kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay Magalaada Baydhabo in ay jidka u galeen Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxaana sidoo kale la tilmaamay in Ciidamada DFS lagu garaacay Gantaalo.

 Inta la xaqiijiyay 3 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacooda waxaa la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Baydhabo iyadoona wararka ay tibaaxayaan in kuwa kale halkaasi ay ku dhinteen.

Dagaalkan oo ahaa mid Culus ayaa waxuu ku fiday Degaanka Buur madow ilaa iyo Daynuunay 26 Km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaana halkaasi gaaray Ciidamo gurmad ahaa si ay u wiiqaan Dagaalka Al Shabaab.

Waxaa wali Xiisado kacsanaan ah laga soo sheegayaa inta u dhaxeysa Baydhabo, Buurhakaba, Buur Madow iyo Daynuunay iyadoona halkaasi ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab.

RRA, somalia

Idale News Online.