Dagaal maalintii 2aad dib uga bilowday xaafadaha magaalada Kismaayo

0
217

Wararka saaka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya markale halkaasi inuu ka qarxay dagaal Qaraar oo u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Sheekh Axmed Madoobe iyo Col Barre Hiiraale oo labaduba sheegtay Madaxwaynaha maamulka Jubbaland State.

kismaayo

Dagaaladani oo daba socda kuwa shalay ka dhacay Magaalada oo ilaa xalay ka soconayay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in la isku adeegsaday Qoryaha waawayn.

Goob jooge ku sugan  magaalada Kismaayo ayaa Idale News Online la hadashay u  sheegay in markale dagaalo ka qarxeen Magaalada, waxaana uu sheegay in dagaalkani u yahay mid culus oo labada dhinac ay ridayaan hubka cul culus.

Dagaalka saaka markale ka qarxay Kismaayo ayaa waxaa lasoo sheegayaa in uu ahaa mid aad u balaaran isla markaana ka duwan kii shalay magalada ka dhacay.

Dagaalka Saakey ayaa labada dhinac ay dirirtu ka dhaxeyso ku goodiyeen in dagaalku maanta yahay kii ay ku kala bixin lahaayeen dhinacyada haaya isla markaasna awooda loolan ee madaxweyneyaasha Jubaland ay mid kaliya u noqon lahayd.

IDALE NEWS ONLINE