Baydhabo(INO)-Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Baay ayaa sheegay in Dadka ku nool Deegaanka Iidaale ee Gobolkaasi iyo Tuulooyinka hoos yimaada ay Dhibaato aan kala sooc lahayn ay ku hayaan dagaalyahanada Al-shabaab.
Maxamed Maxamuud Nuur oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Milatariga lana hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay Dadka ka qaataan Lacago Baad ah iyo Xoolo oo ay ku sheegaan Sakawaad,Qofkii Amarkooda diidana ay dil ugu Hanjabaan.
Sargaalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in Dadka Ganacsatada ah ay Al-shabaab ku Amreen in ay Xoolahaasi dhiibaan,cidii diidana ay Ciqaabayaan sida uu yiri.
Al-Shabaab ayaa Gobolka Baay gaar ahaan Duleedka Magaalada Xaruunta u ah Gobolka Ee Baydhabo ka Afduubay Dhawaan 12 Culumo ah oo ka yimid Siyaaro,kuwaas oo wali qaarkood ay Gobolka ku haystaan.
Eedeynta loo jeediyay dagaal yahana Al-shabaab weli kama aysan hadlin dhankooda inkastoo maalmihii dambe ay cirka isku sii shareerayeen weerarada ay ka geesanayaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Idale News Online, Baydhabo