Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ku dhaqan degmadaasi ay xaalad nolol xumo ah so wajahday kaddib markii kooxaha hagarqabayaasha ee Al Shabaab ay u diideen in Wax raashiin ah lasoo gaarsiiiyo degmada Xudur iyadoo ay jiraan xaalado adag.
Dadka ku dhaqan degmada Xudur ayaa ka cawanaya xaladaan adag ee Bani’aadannimo ee soo wajahday dalbadayna in lala soo gaaro gargaar deg deg ah maadaama aanay jirin degmadii wax gawaari ah oo soo galaayo si ay rashiin u keenaan degmada iyadoo ay ka mamnuucday xarakada Alshabaab.
Dadkaan shacabka ah ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan si ay dadkaan ku go’odoonsan halkaas ay raashiin u helaan.
Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wadaan Qaban qawada iyo sida u dhaqsiyaha badan ay raashiin u gaarsiin karaan in ay u gaarsiiyaan deegaanada ay go’odoomisay xarakada Al Shabaab iyagoo xusay in ay u diri doonaan diyaarad qaada raashiinka si loo gaarsiiyo dadkan ka cabanaayo raashiin la’aanta ka jirta halkaasi.
Idale News Online, Xudur.