Ugu yaraan 111 qof ayaa ku dhimatay dad isbuursaday xili uu socday xus ay qabanayeen dadka Hinduuga ah, xuskaasi oo ka dhacayey degmada Datia ee bartamaha dalka India.
Dadkan ayaa isbuursaday kadib markii ay ka baqeen inay la dunto buundada marta wabiga Sindh, xili halkaasi ay marayeen kumanaan kun oo dad ah.
Qaar kamid ah ehelada dadka halkaasi ku dhintay ayaa ku eedeeyey booliiska inay sabab u yihiin shilkan, maadaama ay dadka u sheegeen in buundada jabeyso, taasina keentay inay dadka oo baqanaya ay isbuurtaan.
Musiibooyinkan noocaan ah ayaa marar badan ooh ore ka dhacay dhaca fagaarayaasha ay ka dhacaan xuska ay qabtaan dadka Hinduuga ah ee dalkaasi India.
Idale News Muqdisho