Dacwad Culus Oo Laga Gudbiyay Wasiir Odawaa Oo Gaartay QM

0
478

Muqdisho (INO)-Wararka ka imaanaya dhanka ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan dhinacyada Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay dacwad ka gudbiyeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa xaqiijiyay in dacwadaasi ay la xiriirto shirka muranka uu ka taagan yahay ee ka socda magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Sh/Dhexe.

Dacwadaani ayaa waxaa lagu qeexay in Wasiir Odawaa Siyaasadiisa ay ka dhamaan la’ dahay cariirinta Beesha Xawaadle, islamarkaana uu ku dhiiranaayo in colaado uu u abuuro beesha iyo beelaha kale ee ku dhex nool Gobolka Hiiraan, sida aan xogta qoraalkaasi ku helnay.

Qoraalka oo loo gudbiyay Xafiiska QM ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa sidoo kale, lagu qeexay in Wasiir Odawaa uu ka shaqeynaayo keliya danaha Madaxweyne Xassan Sheekh, sidaa aawgeed aysan aqbali doonin in Gobolka Hiiraan lasoo gaarsiiyo maamulka loo dhisi doono Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasi oo gogoshiisu taal magaalada Jowhar.

Qoraalka dacwadaani oo ah mid dhinacyo farabadan taabaneysa ayaa waxaa loo gacan galshay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Michael Keating oo isagu arrinta noocaani ah ay khuseyso.

Ma jirto cid faahfaahin gaar ah ka bixisay dacwadaani, markii laga soo tago ila wareedka aan soo xiganay ee dadaalkaani qeybta ka ah.

Idale News Online, Muqdisho