Daawo:Xarun Ku Taal Muqdisho Oo Loo Ogoleyn In Uu Ka Shaqeeyo Qof Isirkiisa Soomaali yahay

0
346

Muqdisho(INO)- Wariyaha Chanal4, Jamal Osman ayaa warbaahinta Dalsoor kusoo bandhigay arrin laga murugooda isla markaana laga dhiidhiyo, kadib markii uu soo bandhigay documentiyo muujinaayo xarun midowga Yurub la siiyay oo ku taal gudaha garoonka Muqdisho oo loo ogoleyn in laga shaqaaleysiiyo qof isirkiisa Soomaali yahay, xitaa nadiifiye inuusan ka noqon karin.

Midowga Yurub wuxuu ku eedeeyaa wadamada danyarta sida Somalia, musuq maasuq, maamul xumo iyo xadgudub bini’aadanimo. laakiin warbaahinta Dalsoor waxay heshay warqado tusaya in Midowga Yurub jabiyay, sharciyadoodii iyo xeerarkii caalamkaba.

Warqadaha la helay ayaa waxaa ku qoran sidan, ” Qandaraasluhu ma shaqaaleyn siin karo qof haysto dhalasho Soomaali ama isirkiisu yahay Soomaali, taasna adeeg kama bixin karo markuu dhismuhu dhamaado” qodobkaasi macnahiisu waxay tahay, bulshada Soomaaliyeed ee gudaha ku nool iyo kuwa haysta sharciyada Yurub-ba, qofba mar haddii isirkiisu yahay Soomaali, kama shaqeyn karo xaruntaasi.

Dhulka xaruntaani oo Dowladda Federaalka ay ugu deeqday Midowga Yurub isla markaana dhulkaasi bixintiisa uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafladdii heshiiskaasi ka sheegay in mashruucaani ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed.
Kaamirada marka la hor joogo waxaa la muujiyaa qosol iyo farxad. dhulkaan waxaa Yurub lagu siiyay bilaash, mahad celina waa laga mudnaa, laakiin xogta warbaahinta dalsoor heshay waxay tilmaameysay in Midowga Yurub wax tixgelin iyo qadarin u hayn Soomaalida.
Dowladda Somalia, waxay u joogtaa inay danaha Soomaalida ilaaliso, heshiisyo badan oo Soomaalida ugu jirin faa’iidooyin ayaa la saxiixaa, laakiin kan Midowga Yurub lala galay wuu ka daran yahay kuwii ka horeeyay, wuxuuna qatar ku yahay jiilalka soo koraya ee Soomaaliyeed

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here