Sousse (INO)— Ugu yaraan 27 ruux oo badankood ay ahaayeen ajaaniib ayaa ku dhimatay weerar lagu qaaday magaalada xeebta ku taal loona dalxiis tago ee Sousse dalka Tunisia.
Wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Tunisia ayaa sheegtay in mid ka mid ah dableyda weerarka geysatay la diley halka mid kalana uu baxsaday.
Dalka Tunisia ayaa digtooni dheeri ah la geliyay ciidamada ammaanka tan iyo bishii March xilligaa oo dabley hubeysan ay dileen 22 ruux kadib markii ay gudaha u galen madxaf caan ah oo ku yaal caasimada Tunis.
Weerarka lagu qaaday goobta loo dalxiis tago ayaa waxa ay ahaayeen labo hotel oo dad ajaaniib ay ku sugnaayeen.
Illaa hadda ma jiro cid sheegatay inay ka dambeysay weerarkan oo ah kii labaad oo lala beegsado dalxiisayaasha dalka Tunisia.
Hase ahaatee ururka IS ayaa sheegay in uu kordhinayo weerarada uu ka geysanayo caalamka bisha Ramadaan.
Dalka Tunisia ayaa dhaqaale xoog leh uu ka soo gala dalxiiska iyadoo sanad walba ay malaayiin ruux u soo tamashle taga dalkaas.