Daawo:Wasiir Ka Tirsan Dowlada Somalia Oo Digniin iyo Hanjabaad Adag Usoo jeediyay Soomaliland

0
214

Muqdisho(INO)-Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, Nuur Faarax oo maanta wareysi siinayay Horn Cable TV ayaa ka hadlay shirkadaha shisheeyaha ah ee lagu wareejiyay dekedda Berbera, isagoo digniin adag shirkadahaas u jeediyay.

WASIIRKA3

Nuur Faarax ayaa maamulka Somaliland uga digay inuu dekedda maal-gelin shisheeye u bandhigo; isagoo ku tilmaamay dekeddaas hal irmaan oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo deegenaanshaha maamulkaasi, isla markaana aanay ogolayn Dawlada soomaaliya oo maamulka Hargeisa ka jira uusan awood u  lahayn inuu wareejiyo, Waa Sida Uu sheegeyn Uun.

“Maanta waxaa jirta in la boobayo dekedaha dalka, mana oran karo taasi waa maal-gashi lagu sameysanayo… innaga ayaana leh hubinta in tallaabooyinkan ay yihiin maal-gasho ay ka faa’iideyaan dadka Soomaaliyeed iyo inaysan ahayn… waana uga digaynaa inay falkaan oo kale ay ku kacaan maamullada gacanta ku haya,” ayuu yiri wasiirka.

 
Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here