Baydhabo(INO)-Siminaarkan ayaa waxaa lagu qabtey Xarunta Jaamacada Jubbada sare Ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay , iyadoo ay Casharo ka bixinayeen Macalimiinta Jaamacada Upper Jubba Sida Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar , Dr.Xasan Ismaciil Baashaa iyo Prof Abbu , taasoo ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada beeraha iyo Waraabka Dr.Maxamed Xasan Fiqi ayaa Maanta soo gabagabeeyey siminaar kusaabsan Beeraha taasoo beeraleyda lagu Barayey Habka casri ah ee beeraha loogu faaideysto iyo sidii loogu hortagi lahaa Cayayaan iyo Jirooyinka haleela dalgyada kala duwanm Beeraleyda waxaa kaloo labarey sidey waxay soo saaraan sidii loo warshadeyn lahaa, Goobta siminaarka lagu xirayey.
waxaa kaloo ka hadley Gudoomiyaha Gobalka Baay Rashiid Cabdulaahi Maxamed isagoo sheegey in Beeraleyda ay ubaahan yihiin Qalabka beeraha lagu Falo , tan abuurka , iyo qalabka loo isticmaalo Caro gedin waxuuna sheegey inay hada ay siiyeen Beeraleyda Qaarkood sida Beeraleyda Boonkaay iyo Bohalgalaanjo , Gudoomiyaha Gobalka Baay ayaa sheegey in Gobalka uu u baahanyahay Maalgeshi kusaabsan dhinaca Beeraha.
Gebagebadii waxaan soo xirey Siminaarka beeraleyda Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dr, Maxamed xasan Fiqi isagoo ka hadley safar uu ku aadey Wadanka Talyaaniga isagoo lakulmey Masuuliyiinta Hayada Qaramada Midoobe ee Cuntada iyo Beeraha ee FAO , Kaasoo kala hadley beeraleyda 3 da Gobal ee Koonfur galbeed sidii loo Maalgelin lahaa loona dheeri gelin lahaa Beeraleyda Koonfur galbeed .
Ugu dambeyntii Beeraleyda siminaar u socdey ayaa wasaarada Beeraha iyo Waraabka Gudoonsiisey Shahaadooyin lagu aqoonsaney Beerahooda .
Idale News Online ,Xafiiska Baydhabo