Muqdisho(INO)- Allaha u naxariistee Qabuuraha Iskuul Buluziya ee Degmada Xamar jajab, waxaa maanta Barqadii lagu aasay Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Wariyaha oo shalay gabal dhicii Kooxaha hubaysan ay ku toogteen Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Xaafada Towfiiq, ayaa aaskiisa waxaa ka qaybgalay dadweyne kala duwan.
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somaliyed ee NUSOJ Maxamed Ibraahin Macalimuu, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falka dilka ah ee loo geystay Wariyaha.
Waxa uu sheegay inuu la qaybsanaayo Suxufiyiinta Somaliyed dilka arxan darada ah ee loo geystay Wariye Xaaji oo ahaa nin dhalinyaro ah, dalkiisa iyo dadkiisana u shaqeynaayay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane, ayaa tacsi kadib sheegay inay muhiim tahay Wariyeyaasha Somaliyed inay u istaagaan sidii Shabaab ay isaga celin lahaayeen.
Waxa uu sheegay maalin waliba in la laynaayo Suxufi Somaliyed oo Bulshada u adeegaya, taasina ay niyad jab hor leh ku rideyso Suxufiyiinta.
Muqdisho ayaa noqotay kawaanka Suxufiyiinta, iyadoo xilligaan dalka uu u diyaargaroobaayo Doorashada Madaxtinimada.