Daawo:Ururka Daacish Oo Weeraray Magaalada Kobane Ee Dalka Siiriya

0
248

Kobani(INO)— Ururka IS ayaa weerar ku qaaday magaalada Kobane ee dalka Siiriya oo bilooyin ka hor laga saaray kadib markii dagaal burbur xoog leh ka dhashay uu ka dhacay.

DAACISH

Gaadiid laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa iyo israsaaseyn xoog leh ayaa dhex martay ciidamada Kurdishka ee daafacaya magaalada waxaana la sheegay in tiro dad ah ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Illaa soddon ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weeraradan halka labaatameeyo kalana ay dagaalyahanada IS ku dileen tuuloyin ku dhowdhow Kobane.

Dagaalyahanada IS oo jab badan uu ka soo gaarayay Kurdiyiinta bilihii la soo dhaafay ayaa haatan iska caabin xoog leh bilaabay waxana wararka ay intaa ku darayaan in ururka IS ay qabsadeen magaalada Hassakeh.

Labadan weerar ayaa imanaya kadib markii ururka YPG ee Kurdiyiinta ay jareen marinkii muhiimka u ahaa magaalada Raqqa.

Raqqa ayaa ah caasimaha dowlada Islaamiga ah oo sanadkii hore lagaga dhowaaqay deegaano ka mid ah Siiriya iyo Ciraaq.

Idale News Online, Kobani, Syria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here