Daawo:Tunisia Oo Darbi Dheer Ka Dhiseysa Xuduuda Ay La Wadaagto Libiya

0
241

Tunisia(INO)— Dowladda Tunisia ayaa ku dhawaaqday in darbi dheer ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto dalka Libiya, si ay uga gaashaamato weeraro uga yimaada waxa ay ugu yeertay Argagixisada.

tusia

Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Habib Essid ayaa sheegay darbiga dheer ee laga dhisayo xuduuda uu qorshihiisu yahay sugida amniga.

Darbigan ayuu dhirirkiisu yahay illaa 160Km, iyadoo Tunisia ku dooneyso inay kaga hortagto in kooxo mintidiin ah oo ay sheegtay inay uga soo gudbaan dhinaca Libiya.

Waxaa uu sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay tallaabooyinka ay dowladdiisa kula dagaalameyso Argagixisada.

Madaxweynaha Tunisia ayaa dhowaan sheegay in dalkiisa uu ku soo rogay xaalad deg deg, si wax looga qabto amnidarada ku soo korortay.

Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii nin hubeysan uu ku dilay xeebta magaalada loo tamashla tago ee Sousse illaa 38 qof oo dalxiisayaal, kuwaasoo badankood ka soo jeeday Tunisia.

Bishii March ayay aheyd markii dabley hubeysan ay weerareen madxafka bardo oo ku yaal magaalada Tunis, halkaasoo dad ku dhow 22 ruux lagu dilay.

Koox Islaamiyiin ah oo gacan saar la leh Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarada ka dhacay dalka Tunisia.

Halkan Ka Daawo


Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here