Milano(INO)-Nin ku hubeysnaa hubka fudud, ayaa maanta toogasho ka geystay Maxkamadda Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga, xilli Maxkamadda ay ku hawlanayd dhageysiga dacwad la horkeenay.
Ninkan, ayaa toogasho ku dilay Xaakimkii Maxkamadda, waxa uuna dilka ka dib uu ka baxsaday goobtii uu weerarka ka geystay, isagoona ku baxsaday dhugdhugley/mooto.
Ciidamada Booliska Magaalada Milano oo ninkaasi ku baxay, ayaa waxaa la soo sheegaya inay gacanta ku dhigeen, xabsigana loo taxaabay. Ninkaasi kuma lug laha arrimo argagaxiso.
Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay in weerarkasi ay ku dhimatay saddex ruux, oo mid uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray rasaastii haleeshay.
Dhammaan dadkii ku sugnaa Maxkamadda, ayaa si ammaan ah looga soo saaray, markii Ciidamada Booliska Milano ay la wareegen ammaanka Xarunta Maxkamadda.
Xaakimka la dilay oo haweeney ahayd, ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Fernando Ciampi, iyadoo meydkeeda la geeyay Isbitaal Magaalada Milano ku yaala.
Booliska Milano, ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdada maanta ka dhacday Maxkamadda, waxaana soconaya su’aalo la weydiinayo ninkii weerarka geystay.
Toogashada ka dib, ayaa waxaa maanta albaabada loo laabay Dhismaha Maxkamadda Magaalada Milano, sida ay tebinayan Warbaahinta Wadanka Talyaaniga.
Idale News Online, Milano,Italy