Baydhabo(INO)- Suldaanka Guud iyo odayaasha Beesha Tuni iyo Ergada Beeshaasi ayaa Sheegay in aysan ka qayb galin Doorashada Xubnaha Beeshaasi uga mid Noqon lahaa Baarlamaanka Aqalka Hoose Ee BFS 2016.
Kulan Balaaran Oo ay maanta Magaalada Baydhabo ku qabteen Odayaasha iyo Ergada Beesha Tuni oo uu shir Gudoominaayey Suldaan Xaydar Suldaan Suldan Suufi Suldaan Muuye Dheere ayaa waxaa ay kagaga hadleen dhibaato ay sheegeen in doorashadoodii lagu sameeyey loona diiday in ergada Suldaanka iyo odayaashaba loo diiday in ay doorasho sameeeyaan.
Kulanka Ka dib ayaa waxaa Shir Jaraa’id si wada jir ah u qabtay Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Suldaanka Beesha Tuni iyo odayaasha jifooyinka Beeshaasi oo la socoda Ergadoodii oo wada socda waxayna sheegeen in Beesha Tuni waxba dooranin .
Ugu dambeyntii, Arimahan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Wakiilka Qaramada Midoobay soomaaliya Mr Kiting uu magaalada Baydhabo ka sheegay in Ergooyinka si xur ah wax u doortaan.