Baydhabo(INO)— Shirkii wada tashiga iyo wacyi gelinta arrimaha Dastuurka ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Baydhabo ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, iyadoo intii uu shirkaas socday lagu soo bandhigay arrimo badan oo ku saabsan hanaanka dib u eegista Dastuurka.
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo shirkan soo qaban qaabisay ayaa waxay kulamo gaar gaar ahaa u qabatay qeybaha bulshada Maamulka Koofur Galbeed, Xildhibaanada heer federaal iyo heer maamul goboleed, siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka haweenka, odayaasha dhaqanka, iyo dhalinyarada.
Kulamadan ayaa isugu jiray kuwo talo wadaag iyo xog uruurin lala sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlada Koofur galbeed.
Waxaa xeritaanka shirka khudbado ka jeediyay Mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Koofur Galbeed, waxaana ay ka hadleen muhiimada uu lahaa shirkan iyo xilliga lagu soo beegay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa ku nuux-nuuxsaday in shirkan uu faa’ido u lahaa dadka deegaanada koofur galbeed, waxaana uu uga mahad celiyay sida Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay dadka Koofur Galbeed u siisay fursad ay aragtidooda ku soo bandhigeen iyo doorkooda ku aadan dib u eegista dastuurka.
Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed C/qaadir Nuur Caraale ayaa ku dhiira geliyay muhiimada wacyi gelinta bulshada ee geeddi socodka dib u eegiska dastuurka.
Guddiga la socodka Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa banaa ee dib u eegista Dastuurka, kuwaasoo dhankooda bogaadiyay sida wanaagsan ee aragtidooda u soo bandhigeen dhamaan intii ka qeyb gashay shirarkii wada tashiga ahaa.
Ugu dambeyn waxaa shirka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in shirkan uu yahay mid muhiim ah, isla markaana shirar ceynkan oo kale lagu qaban doono magaalooyinka dowlad goboleedyada, si bulshada ku dhaqan fursad loogu siiyo sidii aragtidooda ay u dhiiban lahaayeen.