Daawo:Shir Guddoonka Baarlamaanka Ay Ku lahaayeen Uganda Oo Soo Dhamaday

0
201

Kampala(INO)Shirkii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha deeq bixiyeyaasha ah ee taageera Baarlamaanka uga soconayey magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa lasoo gebagebeeyey ayadoo shirkanna looga hadlayey dhameystirka howlaha Baarlamaanka uharsan inta laga gaarayo sanadka 2016ka.

Shirkan oo ka socday magaalada Kampala mudo seddex cisho ah ayaa waxaa
Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye
ku xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nnur Iikar iyo Gudoomiye ku xigeenka
Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ay wadajir ugu soo
bandhigeen hay’adaha taageerra Baarlamaanka Soomaaliya shaqooyinka
muhiimka u ee Baarlamaanka u harsan in uu qabto kuwaasi oo lagama maarmaan
u ah hiigsiga 2016ka.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha deeq
bixiyeyaasha ah ee taageerra Baarlamaanka ayaa si wadajir ah isula meel
dhigay howlaha la qabanayo iyo taageerrada ay hay’adaha ku yeelan karaan
hirgelinta shaqooyinkaas sida dhameystirka sharciyada muhiimka u ah
hiigsiga 2016ka sida dhameystirka dib u eegista Dastuurka Dalka,sameynta
sharciga nidaamka axsaabta iyo hirgelintiisa,hirgelinta nidaamka
federaalka iyo wacyigelinta dadweynha ayadoo la adeegsanayo Warbaahinta.

Shirkan lagu soo gebagebeeyey magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda
ayaa ahaa shirkii seddexaad ee ay yeeshaan Guddoonka iyo hay’adaha
Baarlamaanka taageerra waxaana qodobbada shirkan looga hadlay ay muhiim
guud ahaanba u yihiin Kalfadhiyada u harsan Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya oo ah hay’adda sharci dejineed ee Dalka ayadoo
Kalfadhiyadaasina uu ugu horeeyo Kalfadhiga 6-aad oo dhowaan si rasmi ah u
furmi doona.

Idale News Online, Kampla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here