Paris(INO)-Booliska Faransiiska ayaa sheegay in qof la dilay dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, weerar looga shakiyay Islaamiyiin oo ka dhacay warshad kiimikada sameysa oo ku taal bariga Faransiiska.
Booliska waxay sheegeen in nin 30 jir ah la xiray, iyadoo meyd madaxa laga jaray laga helay meel u dhaw warshadda oo ku taal agagaarka magaalada Lyon.
Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in wax lagu tilmaamay calamka Islaamiyiinta laga helay halkaasi.
Dhacdadan ayaa timid shan bilood kaddib markii xagjiriin ay qaadeen weerar dhimasho keenay oo ka dhacay wargeyska Charlie Hebdo iyo goobo kale oo gudaha iyo agagaarka Paris ah.
Halkan Daawo.
Idale News Online, Paris