Istanbul(INO)- Sida ay wararku sheegayaan 29 ruux ayaa ku dhimatay, 166 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo xalay ka dhacay bannaanka garoon kubadeed kaas oo ku yaal xaafadda Besiktas ee magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga.
Sida ay wararku sheegayaan 29 ruux ayaa ku dhimatay, 166 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo xalay ka dhacay bannaanka garoon kubadeed kaas oo ku yaal xaafadda Besiktas ee magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga. |
Khasaarahan baahsan ee isugu jira dhimmashada iyo dhawaca ayaa waxaa warbaahinta u caddeeyay wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, waxaana uu sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin askar boolis ah.
Warar horay loo shaaciyay ayaa sheegayay in weeraradu ahaayeen labo kuwaas oo ka kala dhacay xaafadda Besiktas iyo barxadda caanka ah ee Taksim, balse booliska ayaa beeniyay wararkaasi, waxaana ay sheegeen in weerarku ahaa hal qura kaas oo ka dhacay bannaanka hore ee garoonka kubadda ee Besiktas. ” – Ma ogin wali cidda ka dambeysa weerarkan. Halkaan waxaa ku sugan ururo argagixiso oo badan, waana baareynaa cidda ay tahay”,sidaa waxaa yiri sarkaal u hadlay booliska. 27 ka mid ah dadka dhintay ayaa lagu sheegay boolis, labada kalena ay shacab yihiin, waxaana dhacdadani ilaa iyo iminka loo qab-qabtay ku dhawaad 10 ruux. Muddooyinkan dambe dalka Turkiga waxaa kusoo badanayay weerarada noocan ah, waxaana bartamihii sanadkan ka dhacay dalkaasi cinqilaab dhicisoobay kaas oo xukunka looga tuuri rabay madaxweyne Erdoga. |