Daawo:Muuqaal laga duubay askari cadaan ah oo Maraykanka ku dilay Nin madow ah

0
188

South Carolina(INO)-Maamulka gobolka South Carolina ayaa dacwad ku soo oogay sarkaal caddaan ah oo toogasho ku dilay nin madow oo u muuqday inuu ka baxsanayey.

DAAWO-MUUQAAL1

Duqa magaalada North Charleston, Keith Sumney, ayaa sheegay in go’aanka ah in sarkaalkaas la xiro la qaatay markii toogashada laga daawaday filim uu qaaday qof waddada dhinaceeda taagnaa.

Filimka ayaa muujinayey ninka la dilay, Walter Scott, oo dhabarka laga toogtay, kaddib isqabqabsi muddo yar socday oo dhexmaray isaga iyo sarkaalka.

Arrintu waxay ka bilaabatay markii scott loo joojiyey nal dambe oo gaarigiisa ka jabnaa. FBI-da iyo waaxda caddaaladda ayaa baaritaan wadajir ah sameynayo.

Walter scott walaalkiis, Anthony, ayaa sheegay in qoyska ay go’aankaas ku diirsadeen, oo ay u arkaan in cadaaladda la xaqiijiyay.


Idale News Online, S.Coralina

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here